By the grace of Allah, this afternoon I successfully completed an academic journey spanning more than three years by defending my PhD dissertation in Leadership and Sustainable Development, titled “Contested Political Authority and State Legitimacy in Somalia.”
Alhamdulillah.
ONE MAN CAN TARNISH AN ENTIRE NATION’S REPUTATION
Somalis are a capable people. For many years, they have demonstrated that, without a government or under a weak one, they can accomplish tasks that would ordinarily require a strong state. Somalia therefore is not a failed state.
تعزية ومواساة
﴿ إِنَّا لِلَّـهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ ﴾
بقلوبٍ مؤمنةٍ بقضاء الله وقدره، أتقدم بخالص التعازي وصادق المواساة إلى حضرة صاحب السمو أمير دولة قطر، وإلى الحكومة القطرية، والشعب القطري الشقيق، وإلى أسرة آل ثاني الكريمة، في وفاة المغفور له بإذن الله تعالى الأمير الوالد الشيخ حمد بن خليفة آل ثاني.
لقد كان الفقيد، رحمه الله، أحد أبرز القادة الذين أسهموا في نهضة دولة قطر الحديثة، ووضعوا أسس تقدمها وازدهارها، كما كان له دور بارز في تعزيز العلاقات الأخوية والتاريخية بين دولة قطر وجمهورية الصومال الفيدرالية، من خلال دعمه المستمر للتعاون والتضامن بين البلدين الشقيقين، إلى جانب ما بذله قادة البلدين من جهود لترسيخ تلك العلاقات بما يخدم مصالح الشعبين.
نسأل الله سبحانه وتعالى أن يتغمد الفقيد بواسع رحمته، وأن يغفر له، ويسكنه فسيح جناته، وأن يلهم أسرته الكريمة، وقيادة دولة قطر، وشعبها العزيز، جميل الصبر وحسن العزاء.
إِنَّا لِلَّـهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
5
1,166
Excellence should be celebrated not hindred.
Garsoore Cartan waa nin isagoo aan heysan taageero dawladeed dadaalkiisa isku soo saaray. Markii uu meel sare gaaray waxaa la hadhay oo uu dhibbane u noqday sumcad xumada iyo fashilka ay sababeen siyaasiyiinta ma gudbayaasha ah ee magaceenna ummaddan baabi'iyay, walina usii malafsanaya magaceenna iyo maamuuskeenna meesha xun ee ay dhigeen meel kasii hooseysa inay geeyaan.
Haddaan siyaasiga faashilka ah dalka laga badbaadin, dad intii hore ka badan ayaa u dhibtoonaya gunnimada ay magaceenna usoo jiideen dadkaas aan u naqaan siyaasiyiinta asii u badan jawaasiista shisheeye oo qandaraas kusoo qaatay inay Soomaaliya qeyrkeed ka reebaan.
بيان حزب السيادة بشأن ما يُتداول حول توجه سلطات صوماليلاند نحو افتتاح سفارة لدى الكيان المحتل في القدس المحتلة.
2
315
Farriintan waxay ku socotaa saraakiisha ciidamada ay DFS u dirsatay inay khalkhal amni ka sameeyaan maamullada ay joogaan.
1. Ugu horreyn ciidamada qalabka suda waxaan xasuusinayaa xilka iyo ammaanada saarani waa inay amniga iyo xasilloonida sugaan ee ma aha inay iyagu amni darro sababaan.
2. Ciidamada qalabka sida waxba kama khuseeyaan arrimo siyaasadeed. Siyaasadda ragga isku haya ayey u taal inay ka heshiiyaan iyo inay ka heshiin waayaan ee ciidanku howshiisa ma aha inay siyaasadda dhinac u rajaxaan.
3. Lacagaha laaluushka ah ee uu madaxweyne Xasan Sheekh saraakiisha ku barayo musuqmaasuqa dilooday magaca iyo sharafka Soomaaliya waa dhaqaalihii ka dhexeeyay bulshada Soomaaliyeed agoon, rajo, waayeel gablan ah ama looga xoreyn lahaa cadowga dhabta ah ee Soomaali ka dhexeeya hase yeeshee madaxweynuhu uu ka cunaqabateeyay. Hadaba Sarkaalow haddii lacagahaas laguu soo diro si aad deegaankaaga qalalaase uga abuurtid, ogow lacagtaas waa lacag uu bixiyay qof aan laheyn, uuna siiyay qof kale (adiga) oo aan wada laheyn ee fadlan haddaad daacad tahay lacagtaas ku dar meelaha ay ka socoto danta caamka ah er ka dhexeysa dadkii xaqa u lahaa lasoo weydaarihay. Haddii aad ka maarmi weydana aakhiro waxaad Alle kala kulantaba lacagtaas inaad qaadatay haku darin in raaskaaaga iyo rugtaada aad qori dab ah ah ku dhejisid adigoo u daneynaya damaca gurracan ee siyaasi aan dan ka laheyn adiga iyo kan uu kuu adeegsanayo.
2
223
Halkan ka daawo warmurtiyeedka ku aaddan xarigga xaqdarrada ah ee lagula kacay Sacdiya Macallin Cali (Sacdiya-bajaaj)
WAR-MURTIYEED
Ku Saabsan Xarigga Sacdiya Macallin Cali
Tixraac: XG/SP/17 Muqdisho 12/4/2026
Waxaan si kulul oo aan gabbasho lahayn u cambaareyneynaa xarigga sharci-darrada ah, ee sida bareerka ah loogu geystay muwaaddinadda Soomaaliyeed ee lagu magaaabo Sacdiya Macallin Cali (Sacdiya-Bajaaj), kadib markii ay si geesinimo leh u muujisay cabashooyinkeeda, dhaliilaheeda, iyo aragtideeda ku aaddan caddaalad-darrada nidaamsan, dayaca maamulka, iyo duruufaha nololeed ee aadka u cakiran ee lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.
Xarigga loo geystay gabar aqoonyahanad ah, danyar ah, oo markii dawladdu ku fashilantay inay u abuurto fursad shaqo oo u dhiganta aqoonta ay leedahay, ku dhiirratay inay ku shaqeysato mihnadda sharafta leh ee wadista bajaajta wuxuu daaha ka rogayaa xaqiiqo murugo leh oo si cad u muujineysa burburka qiyamka dawladnimo, taas oo ah in awooddii dawladnimo loo rogay aalad lagu cabburiyo shacabka, halkii ay ka ahaan lahayd hannaan lagu ilaaliyo xuquuqdooda, lagu sugo amnigooda, lagu xaqiijiyo caddaaladdooda, laguna dhowro karaamadooda.
Waxaan bulshada Soomaaliyeed ogeysiineynaa in dawlad aan u adkeysan karin codka gabar dhallinyaro ah, aqbalina karin cabashadeeda, kana cabsata dalabkeeda ku dhisan caddaalad aysan aheyn, noqonna karin, dawlad leh sharciyad siyaasadeed iyo karti hoggaamineed. Sidoo kale ma noqon karto dawlad leh awood istiraatiiji ah oo ay ku difaacdo dalka iyo dadkiisa, maadaama awooddeedii ay kusoo koobtay cabburinta shacabka tabaaleysan, kana gabbato inay ka jawaab celiso hadallada meel-ka-dhaca ah ee madaxda dalalka shisheeye ay ku af-lagaaddeeyaan bulsjadeenna iyo hannaankeenna dawladnimo.
Taariikhdu waa markhaati aan been sheegin; waxayna si joogto ah u caddeysaa in ummad la dulmiyo ay mar uun kacdo, is-abaabusho, kana dhiidhiso dulmiga, si ay u soo ceshato xaqeeda la duudsiyay. Sidaas darteed, waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed ee damiirkoodu nool yahay, inay si mideysan uga hortagaan dulmiga la dawladeynayo, bililiqada la sharciyeynayo, isla markaana ay diidaan in hay’adaha qaranka loo adeegsado aalado lagu cabburiyo, lagu bahdilo, laguna baabi’iyo xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Waxaa waajib qaran ah in la dhiso dawlad ku dhisan mabaa’di’da caddaaladda, isla xisaabtanka, xorriyadda hadalka, iyo hoggaan leh aragti fog, karti maamul, iyo damiir u qalma hanka iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed, leh Habdhaqan Wanaagsan iyo Hannaan dowladeed.
Ugu dambeyn, waxaan si cad oo aan leex-leexad lahayn u dalbaneynaa in si degdeg ah oo aan shuruud ku xirneyn xorriyaddeeda loogu soo celiyo Sacdiya Macallin Cali, lana joojiyo dhaqamada foosha xun ee lagu beegsanayo haldoorka bulshada, dhallinyarada, iyo guud ahaan shacabka rayidka ah ee sida sharciga ah u cabbiraya codkooda iyo cabashooyinkooda ku qotoma xuquuqaha dastuuriga ah ee aasaasiga u ah muwaadin walba oo Soomaaliyeed.
Caddaalad la’aan dal ma waaro, dulmina dawlad ma noqdo.
Rabbi talo ku filan
Xisbiga Gobannimo
1
164
SAADAASHU WAA GUUL!
Dadka qaar baa i leh Laftagareen yaa ku xigi doona. Nin walba geedkuu beertay buu gurtaaye, odoroskeyga XSM ayaa ku xigi doona, guranna doona miraha khadhaadh ee geedkii uu afarta sano beeranayay, gadaashiisna dawladnimadii uu godka iyo geerida u dhoweeyay ayey Soomaali si wadajir ah u dhisan doontaa idanka Ilaahay.
1
2
267
بيان حزب السيادة في جمهورية الصومال الفذرالية حول إغلاق المسجد الأقصى وقانون إعدام الأسرى الفلسطينيين
1
2
242
I don’t usually engage in reactive debates, but silence has cost us enough already.
You cannot preach “democratic values” selectively. If flawed elections were acceptable yesterday, especially those that produced today’s leadership, then today’s outrage is not principle, it is convenience.
Let’s be clear: many of the loudest critics today were beneficiaries of that same system.
There is a simple truth: “The stairs can only be cleaned from the top." So are these principles universal, or are they merely political tools?
If President Laftagareen had continued to stay in power without elections, as he did over the last three years by the permission of the President of the Federal Republic of Somalia, would the same voices now be defending “stability” instead of calling for “integrity”?
This is not about one election. It is about a pattern of leadership-level malpractice that keeps reproducing itself because we refuse to confront it honestly. The truth is, until we fix the top, everything else is theatre.
Otherwise, we are left with a dangerous double standard: what is acceptable for one side becomes unacceptable for another. And that is not democracy, but selective morality.
124
DHAMBAAL
Warqad Furan oo ku Socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud
Mudane Madaxweyne, Salaan iyo qadarin kadib,
Wax kaleba ka hor aan qoraalkan ku bilaabo afeef ku saabsan mowqifkayga siyaasadeed. Anigu waxaan ka mid ahay dadka siyaasadda ku jira ee aanay qarsooneyn inay damac iyo himilo u leeyihiin inay hoggaanka dalka kaaga dambeeyaan. maankana ku haya inay saxaan waxyaabo ay u arkaan in la hagaajin kari lahaa balse laga gaabiyay. Sidaas darteed, marka la eego is-riix-riixa awoodda iyo tartanka siyaasadeed ee dabiiciga ah, waxaa laga yaabaa inay ila qummaan lahayd inaan indhaha ka eego khaladaadka maanta taagan, gaar ahaan kuwa taariikhda geli kara ee laga yaabo inay hoos u dhigaan madaxweynow fursaddaada siyaasadeed ama carqaladeeyaan mustaqbalka hoggaankaaga, anigana dhibcaheyga sare u qaadaan. Hase yeeshee laba arrimood ayaa igu khasbay inaan halkaas fursad ka eegin, aamusnaantana aan ka doorbiday inaan qoro dhambaalkan furan, maadaama masaa’ibta tala-xumada iyo tashi la’aanta ku dhacaysa ay si furan ummaddeenna u saameyso, waana sidan:
Midda koowaad: waa inaan nahay ummad Muslim ah oo ka dhaxashay diinteeda dhaqanka nasiixada (badheedhe daacadnimo) iyo isu khayr-miiridda. Sunnaha Nabigeenna Muxammad NNKH wuxuu ina baray in talada wanaagsan iyo toosinta walaalka Muslimka ahi ay tahay waajib akhlaaqeed oo ka sarreeya xisaabta danaha gaarka ah. Sidaas darteed nasiixada hoggaanka, xitaa marka la kala aragti duwanaado, waxaan u arkaa inay tahay mas’uuliyad-wadareed, damiir iyo waaajib qaran oo ku qotoma xaqa hoggaamiyuhu ku leeyahay bulshada.
Midda labaadna: waa xaqiiqada aan la dafiri karin ee ah: khaladka ka yimaadda hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka marna kuma ekaado isaga oo keliya, balse saameyntiisu waxay ku dhacdaa qaranka oo dhan, dawladnimada, nabadda, mustaqbalka bulshada iyo xogta taariikhdeed ee galeysa waayaha ummadda ee jiilba jiil u warin doono. Markey xaaladdu sidaas tahay, mas’uuliyadda dadka ka warqaba khatarta jirta waa inay isku dayaan badbaadinta doonta qaranka ka hor inta aysan badda ku qarqoomin, aysanna sugin inay masiibo dhacdo, dabadeedna lagu mashquulo ciddii eedda lahayd, maadaama cid eed ku faani kartaa aysan jirin.
Kolka, qoraalkani ma aha mid ku dhisan tartan siyaasadeed ama dhaleeceyn shakhsiyeed, balse waa nasiixo (daacadnimo) muwaadin Soomaaliyeed iyo walaal Muslim ah oo ka welwelsan jihada uu hoyaadka siyaasadeed ee dalku u socdo.
Mudane Madaxweyne, Waxaa jira waqtiyo taariikhda ummaduhu istaagaan oo ay sugayaan go’aanka hal nin (hoggaamiyaha). Go’aankaas mararka qaar wuxuu noqdaa mid lagu badbaado oo badhaadhe laga qaado ama mid lagu burburo oo halaag laga dhaxlo. Iyadoo xisaabta aakhiro meesheeda loogu tegi doono, xilliyadaas oo kale taariikhdu ma xukunto oo keliya waxa la qabtay, balse waxay si qoto dheer u xukuntaa sababta wixii la qabtay loo qabtay, wixii aan la qabanna looga tegay iyo xikmaddii ka dambeysay go’aannadii uu hoggaamiyuhu qaatay.
Muddo-xileedkaagan labaad ee aad hoggaanka dalka haysid waxaa ka harsan wax ka yar laba bilood. Marka la eego waqtigaas kooban, waxaa habboon in hoggaamiye kasta uu naftiisa weydiiyo su’aalahan culus: Maxaa la igu xusuusan doonaa marka waqtigu iga dhammaado? Ma dagaal iyo kala fogaansho, mise dulqaad iyo heshiis? Ma la ii duceyn doonaa, mise daalac iyo dambi baa la ii raacan doonaa?
Mudane Madaxweyne, waxaan anigoo ka xun xusayaa, in maanta mar kale khilaaf siyaasadeed oo hor leh uu dalka ka taagan yahay, gaar ahaan kan kaala dhexeeya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, oo aan aheyn maamulkii u horreeyay ee aad maryo dhiig leh kala furataan, lagana yaabo haddii aadan dhinacaaga wax ka badelin, xaaladdana wax ka qaboojin in khilaafkani uusan noqon kii u dambeeyay, Ilaahay baanse ka magan galnay.
Waxaa welwel gaar ah leh inay muuqato in xaaladdu u sii socoto jihada muranka iyo isku-dhaca aan ku habboonayn dal horey uga soo kabanayay dhaawacyo kasoo gaadhay khilaafaad ...
.
SI DEGDEG AH XORRIYADDEEDA HA LOOGU SOO CELIYO!
Waxaan si adag u cambaaraynaynaa xadhigga xaq-darrada ah ee loo geystay muwaadinadda Soomaaliyeed Sacdiye Macalin Cali. Ficillada noocan ahi waxay caddeyn u yihiin in xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud aysan u dulqaadan karin aragtida siyaasadeed ee ka duwan tan ay qabto, isla markaana ay caburinayso codka muwaadiniinta caadiga ah ee xaqooda sheeganaya.
Xadhigga iyo caburintu ma aha xal lagu maareeyo cabashada bulshada, balse waa tallaabo dhaawacaysa xorriyadda hadalka iyo xuquuqda muwaadiniinta. Sidaas awgeed, waxaan si cad u dalbanaynaa in si degdeg ah loo sii daayo Sacdiye Macalin Cali, isla markaana la joojiyo caburinta codka muwaadiniinta Soomaaliyeed.
1
92
ABAAR CAQLI
Soomaaliya maanta waxay wajahaysaa abaaro is biirsaday oo middood kaliya ay dhibaato ugu filan tahay:
Abaar dhaqaale oo ka dhigan shaqo la’aan, lacag la'aan, dhaqaale la'aan iyo nolol sii adkaanaysa.
Abaar cimilo oo ay ugu dareen adag yihiin roob la’aan, biyo yari, baad la'aan iyo khatar ku wajahan dadka xoolaha iyo beeraha.
Abaar akhlaaqeed oo uu ugu muuqaal dheer yahay musuqmaasuqa xadhkaha goostay oo baabi’inaya hantidii ummadda ee sida xaqdarrada ah dadkii lahaa oo u baahi qaba akoonnada dibedda ku yaal loogu shubanayo ama dalal shisheeye lagu maalgashanayo.
Abaar siyaasadeed oo ka imanaysa talo-xumo, ku tagtifal awoodeed iyo qaadasho go'aanno aan xal-abuur aheyn oo xaaladda dalka uga sii daraya iyo haddii ka daaya la yiraahdo in lagu caga-jugleeyo wallaahi waa kasii darayaa.
Saameynta dagaallada caalamiga ah ee ka socda Bariga Dhexe oo sii kordhinaya hubanti la’aanta xaaladda gobolka iyo shidaalka iyo quutul-daruuriga oo dibedda inooga yimaada oo sii qaaliyoobaya, taasoo qofba tabartiisa usii nugleyneysa.
Damac waalli ah iyo faragelin shisheeye oo wiiqaya gobannimadeennsa, midnimadeenna iyo haybaddeenna qaran, istaraatiijiyolad qaran oo looga hortago ama looga dabatagana aan la heyn.
Hadallo quruxsan marka lankhudbaynayo iyo ficillo caksi ku ah oo muujinaya munaafaqad siyaasadeed iyo qayru-masuulnimo hoggaamineed.
Ku mashquulsanaan sidii uu kursiga loogu sii cimri dheereysan lahaa halkii badbaadinta dalka xiska iyo xoog wixii la hayo la isagu geyn lahaa.
Halisahaan waaweyn ee is biirsaday, jiritaankeennana calaamatu-su'aalku saaran yahay ayaa waxaa lagu mashquulsan yahay inaan waardiye isaga hayno kanaa I xiga iyo kaas waa reer hebel, maxaa yeelay siyaasiga faashilka wuxuu ku guuleystay oo kaliya waa in wax maratada uu ka dhaadhiciyo cadowgaaga koowaad waa Soomaaliga walaalkaa ah, walaalkaana waa shisheeyaha dalkeenna hungutigu oa hayo ee uu siyaasigu u shaqeeyo
Markay abaaruhu is biirsadaan, qaranku wuxuu galaa xaalad liindimo oo sii jiritaankiisa halis ku ah. Xilligaasi waa xilliga inta yar ee waxgaradka ah ay nafta ku sasabaan "Sidey u arag xun tahay uma Alle la'a", waana xilliga adag ee ay dhashaan hoggaamiyeyaasha adag ee dalka dhaafiya hakista, una gudbiya berri nabaadiino.
Inta ay jiraan dad daacad ka ah qarannimada dalkan, dadaalkoodana Alle dartii uu ka yahay, abaar kasta waa laga gudbi karaa.
Soomaaliya waxay u baahan tahay baraarug qaran iyo isbeddel dhab ah oo dhaafsiisan in la tacliiqiyo inta masuuliyaddooda kaga mashquulsan wax aan kamid aheyn wixii loo diray.
Markaad madaxweyne tahay wax aan lagugu raacsanayn waad iska jeclaan kartaa, farsamo yaroo caato ah inta la adeegsadana baarlamaanka waad marsan kartaa, laakiin waxaa wanaagsan intaadan kharash garoobin inaad xasuusato raggii kaa horreeyay inay tanoo kale u hirgashay iyo in kale.
Wax aysan natiijo kasoo baxayn in waqti lagu lumiyo wax ka liito ma jiraan.
Madaxweynaheena uma baahna in loo jawaabo oo wixii la dhihi lahaaba isagaa horay usii yiri.
Mudane Madaxweyne jooji kasoo dhex hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxa aad rabtana adigu afkaaga ka sheego, ummaddana dastuur iyo sheeko baraley haku wareerin ee oday soo shaqeeyaad tahaye si akhyaarnimo ah u dalbo in sanad laguugu daro, wixi lagaa yiraahdana ku qanac.
U malayn maayo haddaad sanad dheeri ah dalbatid in lagu qadinayo oo Soomaali intaan ka aqaan waa dad gob ah oo dulqaad badan oo haddaba adigoo qaarkood ku duulay, qaar cunaqabateeyay, qaar jale barakicoyay oo qabuurihii macaa ay kaa nabadgeli waayeen bey kugu xushmeeyeen muddo xileedkaaga wax ka dhimman yihiin.
Haddii aad dhahdid war sanad iigu dara ilama aha inaysan kugu dayanayaan ee si un bey u tixgelinayaan baa laga yaabaa ee dariiqa saxda ah soo mar.
Waxaa la diiddan yahay waa wax aad og tahay inaysan soconeyn inaad ummadda waqtiga uga lumisid, inaad ugu dawladeysana aad isku daydid.

















