Ku-Simaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Danjire Mouktar Osman Karie ayaa shalay ka qaybgalay xaflad ay muwaadiniinta iyo ciidamada Uganda ee AUSSOM ugu dabaal-dagaayeen sanad-guurada 64-aad ee xornimada #Uganda.
Munaasabadda oo lagu qabtay safaaradda Uganda ee Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xassan Sheekh Maxamuud, mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, danjiraha Uganda u fadhiya Soomaaliya, prof. Sam Tulya-Muhika, taliyaha ciidanka AUSSOM, Sarreeye Guuto Sam Kavuma iyo xubno ka socday beesha caalamka.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa Uganda ugu hambalyeey sanad-guuradeeda, isagoo muujiyey xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal iyo kaalinta Uganda ay ka qaadato dedaallada amniga iyo nabadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin howlgallada nabad ilaalinta iyo tabobarrada Ciidamada Amniga Soomaaliya.
Wasiirka Jinsiga, Shaqada iyo Horumarinta Bulshada ee Uganda, mudane Sarreeye Guuto Tumukunde ayaa mar kale xaqiijiyey sida Uganda uga go’an tahay iskaashiga gobolka ee sare loogu qaadayo nabadda, amniga iyo horumarka.
Danjiraha Uganda u fadhiya Soomaaliya, mudane Prof. Sam Tulya-Muhika ayaa u mahadceliyey martida kasoo qaybgashay dabaaldegga sanad-guurada 64-aad ee xornimada Uganda.
Dabaaldegga sanadkan oo uu halkudhigiisu ahaa” xoojinta madax-banaanideenna iyadoo loo marayo rajo iyo hoggaan aragti fog leh” ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaar dhaqameedyo iyo farshaxan muujinaya hidaha iyo dhaqanka Uganda.
Today in #Mogadishu, the Acting SRCC of @AUSSOM_, Amb. Mouktar Osman Karie joined AUSSOM @MODVA_UPDF troops and Ugandans to celebrate Uganda’s 64th Independence Day.
Held at the Ugandan Embassy, the ceremony was attended by Somali President @HassanSMohamud, senior Federal Government of Somalia (FGS) officials, Ugandan Amb. to Somalia Prof Sam Tulya-muhika, AUSSOM Force Commander Lt. Gen. Sam Kavuma, and members of the @international community.
President Mohamud congratulated #Uganda on the anniversary, highlighting bilateral ties and #Uganda’s contribution to #Somalia’s peace and security efforts, including peacekeeping and training of Somali security forces.
Uganda’s Minister of Gender, Labour and Social Development, Hon. Lt. Gen. (Rtd) @Tumukunde_ reaffirmed Uganda’s commitment to regional cooperation in promoting peace, security and development. Ugandan Ambassador to Somalia, H.E Prof. Sam Tulya-Muhika thanked guests for celebrating Uganda’s 64th independence anniversary. The celebration themed “Embracing Our Sovereignty with Hope and Visionary Leadership”, featured cultural and artistic performances showcasing #Uganda’s heritage.
Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Danjire Mouktar Osman Karie ayaa maanta xarunta Dhexe ee #AUSSOM ee magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha Japan u fadhiya #Soomaaliya, mudane Hiroshi Matsuura. Kulanka ayaa looga hadlay waajibaadka howlgalka, arrimaha hortabinta leh iyo jihada mustaqbalka.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray taageerada Japan ay siiso barnaamijka booliska #AUSSOM iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda iskaashiga caalamiga u leeyahay xoojinta Hay’adaha Amniga Soomaaliya iyo horumarinta lahaanshaha qaran ee amniga.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale is-weydaarsaday aragtiyo ku aaddan isbedellada amniga gobolka iyo saameynta ay ku yeelan karaan Soomaaliya, iyagoo mar kale xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga lagu taageerayo nabadda, xasilloonida iyo amniga dalka.
Today in #Mogadishu, the Acting SRCC Ambassador Mouktar Osman Karie, met with #Japan's Ambassador to Somalia, H.E. Hiroshi Matsuura, at #AUSSOM Headquarters to discuss the Mission's mandate, priorities and future direction.
Discussions highlighted Japan's support for AUSSOM's police programme and the @SoPoliceForce, underscoring the importance of international partnerships in strengthening #Somali security institutions and advancing national ownership of security.
The two leaders also exchanged views on regional security developments and their potential implications for #Somalia, reaffirming the importance of continued cooperation in support of peace, stability and security in the country.
Taliyaha qaybta 5-aad, Sarreeye Guuto Ndenzako Michel ayaa maanta la kulmay ciidamada Burundi ee ka howlgala saldhigga Balcad. Booqashada ujeedkeedu waxuu ahaa qiimeynta fulinta waajibaadka howlgalka, kor u qaadista niyadda ciidamada iyo dib-u-eegista heerka diyaargarowga iyo wax ka qabashada saameynta El Nino.
Sarreeye Guuto Ndenzako ayaa carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in wada-shaqeyn dhow lala yeesho Ciidamada Amniga Soomaaliya, maamullada deegaanka iyo bulshada ku nool Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Waxaa uu ku booriyey ciidamada in ay sare u qaadaan feejignaanta, anshaxa iyo u hoggaansanaanta habraacyada howlgallada si loo ilaaliyo dadka rayidka ah iyo bulshooyinka ku xeeran, isla markaana loo fuliyo shaqooyinka si waafaqsan waajibaadka AUSSOM iyo xeerarka khuseeya. #AUSSOMIyoQaybaheeda
Today, AUSSOM Sector 5 Commander, Brig. Gen. Ndenzako Michel, met with BNDF (@fdnbbi) troops stationed at Balcaad Forward Operating Base (FOB). The visit aimed to assess mandate implementation, boost morale and review preparedness for Super El Niño response.
Brig. Gen. Ndenzako stressed the need for close collaboration with Somali Security Forces, local authorities and communities in #Hirshabelle State. He urged continued alertness, discipline and adherence to operational procedures to protect civilians and surrounding communities, and to execute duties in line with the #AUSSOM mandate and applicable regulations. #AUSSOMInTheSectors
Le Représentant Spécial du Président de la Commission de l'Union Africaine pour la Somalie et Chef de l’AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene « Boly », s’est rendu au quartier général du Secteur 5 à Jowhar le 7 octobre. L'objectif était d’examiner la mise en œuvre du mandat, les défis opérationnels et les priorités de la mission.
🎥 Découvrez les moments forts de cette visite.
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna madax AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene “Boly” ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya mudane Charles King.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray horumarradii ugu dambeeyey, hirgelinta waajibaadka AUSSOM, taageeridda dedaallada ay hoggaamiyaan Soomaalida iyo xoojinta arrimaha wadaagga ah ee mudnaanta leh oo ay kamid yihiin ilaalinta dadka rayidka ah, taageeridda arrimaha bani’aadannimo iyo adkeynta guulaha laga gaaray amniga Soomaaliya.
Labada mas’uul ayaa mar kale xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Midowga Afrika iyo Boqortooyada Ingiriiska ee lagu taageerayo nabadda, amniga iyo xasilloonida ay hoggaamiyaan Soomaalida.
The SRCC and Head of #AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene "Boly", today met with the @UKinSomalia Ambassador, H.E. @CharlesKingFCDO.
Discussions focused on the latest developments, the #AUSSOM mandate implementation, support to Somali-led efforts, strengthening coordination on shared priorities, including civilian protection, support to humanitarian action, and sustaining Somalia's security gains.
Both leaders reaffirmed their commitment to strengthening the partnership between @_AfricanUnion & @FCDOGovUK in support of Somali-led peace, security and stability.
Taliyaha qaybta 5-aad, Sarreeye Guuto Ndenzako Michel ayaa maanta kulan la yeeshay ciidamada Guutada 75-aad ee Burundi ee ka howlgala saldhigyada Mahadaay iyo Buurane. Booqashadiisu waxay daarneed qiimeynta xaaladda amniga, kor u qaadista niyadda ciidamada iyo dib-u-eegista diyaargarowga, ka hortagga iyo ka jawaabista El Nino.
Wuxuu ciidamada ku booriyey inay feejignaadaan, ilaaliyaan anshaxa isla markaana raacaan habraacyada howlgalka si loo xaqiijiyo badbaadada ciidanka iyo dadka rayidka ah ee ku nool degaannada ku xeeran iyadoo la waafajinayo waajibaadka AUSSOM iyo xeerarka khuseeya. Sarreeye Guuto Ndenzako ayaa sidoo kale ku baaqay in wada-shaqeyn dhow lala yeesho Ciidamada Amniga Soomaaliya, maamullada deegaanka iyo bulshada iyadoo loo marayo is-weydaarsiga xogta, dhisidda kalsoonida labada dhinac iyo isku-duwidda dedaallada amniga.
Booqashadani waxay mar kale xaqiijisay sida AUSSOM uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyadoo loo marayo xirfad-yaqaannimo, feejignaan iyo wada-shaqayn dhow oo lala yeesho Hay’adaha Amniga Soomaaliya iyo maamullada deegaanka. #AUSSOMIyoQaybaheeda
AUSSOM Sector 5 Commander, Brig. Gen. Ndenzako Michel, today met with troops from the 75 Battalion of the Burundi National Defence Force (@fdnbbi) deployed at Mahaday and Buurne Forward Operating Bases (FOBs). His visit aimed to assess security, boost morale and review preparedness for Super El Niño mitigation and response.
He urged troops to stay vigilant, uphold discipline and follow operational procedures for both force protection and protect civilians in surrounding communities, in line with the #AUSSOM mandate and applicable regulations. Brig. Gen. Ndenzako also called for closer cooperation with Somali Security Forces, local authorities and communities through information sharing, mutual trust and coordinated security efforts.
The visit reaffirmed AUSSOM's commitment to supporting peace and stability in #Hirshabelle State through professionalism, vigilance and close cooperation with #Somali security institutions and local authorities. #AUSSOMInTheSectors
15 askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee AUSSOM ayaa maanta Jowhar lagu guddoonsiiyey shahaadooyin kaddib markii ay dhameysteen tabobar saddex toddobaad socday oo ku saabsanaa Burburinta Rasaasta iyo Agabka Qarxa ee Caadiga ah kaas oo ay fududeysay hay’adda UNMAS.
Ku-xigeenka taliyaha qaybta 5-aad, Gashaanle Sare Mathias Sibomana ayaa hambalyo u diray askarta tabobarka dhameysatay isaga oo ku ammaanay dedaalkooda, anshaxooda iyo sida ay uga go’an tahay gudashada shaqadooda. Wuxuu ku booriyey in aqoonta iyo xirfadaha ay barteen u adeegsadaan si xirfad leh, si loo badbaadiyo nolosha dadka, loona xoojiyo diyaar garowga iyo amniga isla markaana loo taageero hirgelinta waajibaadka howlgalka.
Tabobarkani wuxuu mar kale muujiyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo u dhexeysa AUSSOM iyo UNMAS, si loo xoojiyo awoodda shaqaalaha, badbaadada iyo in si waxtar leh loo hirgeliyo waajibaadka howlgalka. #AUSSOMIyoQaybaheeda
Today in #Jowhar, 15 #AUSSOM #BNDF troops received certificates after completing a three-week Conventional Munitions Disposals (CMD) course, facilitated by @UNMAS.
AUSSOM Deputy Sector 5 Commander, Col. Mathias Sibomana, congratulated the graduates, commending their hard work, discipline and commitment. He urged them to apply their knowledge and skills professionally to protect lives, strengthen operational safety, readiness and security, and support the Mission’s mandate.
The training reaffirmed the value of sustained AUSSOM–UNMAS cooperation in strengthening personnel capabilities, safety and effective mandate implementation. #AUSSOMInTheSectors
As part of his sector engagements, the SRCC and Head of AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene 'Boly', visited Sector 5 in Jowhar, Middle Shabelle, on 7 October to assess progress in delivering the Mission’s mandate, examine operational challenges and discuss the next steps.
🎥 Watch key highlights from the visit.
#AUSSOMInTheSectors
On 7 October, the SRCC and Head of AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene 'Boly', visited Sector 4 HQ in Beledweyne as part of his sector engagements to review mandate implementation, operational challenges and the Mission’s key priorities.
🎥 Watch key highlights from the visit.
#AUSSOMInTheSectors
Ciidamada AUSSOM ee qaybta 2-aad ayaa Dhoobley, Jubbada Hoose ka bilaabay diyaar garoow heerkiisu sarreeyo oo la xiriiro El Nino.Tallaabooyinkan la qorsheeyey ayaa looga gol lahaa in lagu hagaajiyo isu-socodka, lagu xoojiyo adkeysiga kaabeyaasha dhaqaalaha isla markaana lagu caawiyo bulshada inay si wanaagsan uga adkeystaan fatahaadaha.
Iyadoo Shaqada oo ay hoggaaminayeen injineerada ciidamada Kenya @KDFinfo, howlaha la qabtay waxaa kamid ah nadiifinta biyo-mareennada, ka saarista dhoobada iyo qashinka si loo hagaajiyo qulqulka biyaha loona yareeyo khatarta fatahaadaha ee xaafadaha la deggan yahay iyo agagaarka kaabeyaasha muhiim ah. Injineereada ayaa sidoo kale adkeeyey waddooyinka muhiimka si loo fududeeyo isu-socodka loona suurtageliyo howlgallada muhiimka ah inta lagu jiro xilli-roobaadka.
Magaalada Dhoobley iyo deegaannada ku hareereysan ayeey horay saameeyn ugu yeesheen fatahaado daran kuwaas oo jaray waddooyinka muhiimka ah isla markaana ka dhigay garoonka diyaaradaha meel aan la geli karin. #AUSSOMIyoQaybaheeda
#AUSSOM Sector 2 troops, joined Super El Niño preparedness in #Dhobley, Lower Juba. The anticipated measures aimed to improve access, strengthen infrastructure resilience, and help communities better withstand seasonal flooding.
Led by @KDFinfo engineers, the works included clearing drainage channels of silt and debris to improve water flow and reduce flood risks in residential areas and around critical infrastructure. The engineers also compacted key access routes to improve mobility and sustain key operations during the rainy season.
Dhobley and surrounding areas have experienced severe flooding in the past, with floodwaters cutting off key roads and rendering the airstrip inaccessible. #AUSSOMInTheSectors

























































